DEG DEG: Francesco Totti oo ka fariisanaya kubadda cagta dhamaadka xiliciyaareed kan

(Roma) 03 Maayo 2017 Kabtanka kooxda Roma ee Francesco Totti ayaa la xaqiijiyay inuu ka fariisanayo kubadda cagta dhamaadka xiliciyaareed kan.

40 jirkaan ayaa ciyaari doona kulankiisa uga danbeeya ee kooxdiisa 28-ka bishaan markaas oo Roma ay marti qaadi doonto kooxda Genoa horyaalka talyaaniga.

Qandaraaskiisa ayaana dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kan, agaasimaha cusub ee kooxda ayaana xaqijiyay in Francesco Totti uu kadib ka mid noqon doono maamulka kooxda.

“Dhanka Totti, Dhabtii waxaan ogahay inuu jiro heshiis uu kula jiro kooxda oo ah in sanadkaan uu yahay kiisii ugu danbeeyay ee ka laacib ahaan, kadibna wuxuu ku biiri doonaa maamulka” ayuu yiri Monchi.

“Francesco waa Roma, waxaan doonayaa intii suurogal ah inaan u dhawaado isaga” ayuu sii raaciyay agaasimaha cusub ee kooxda Roma.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close