CL: Kooxda Juventus oo hal lug dhigatay dhamaadka Champions League + Sawirro

(Monte Carlo) 03 Maajo 2017 – Kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa lug dhigatay final-ka Champions League ee kal-ciyaareedkan 2016-17, kagadaal markii ay 2-0 iyadoo dool ah ugasoo badisay kooxda dhibleeyda ah ee A Monaco.

Kooxda Juventus ayaa waxaa goolka 1-aad u dhaliyay qannaaska ay sanadkan kusoo iibsatey lacagta badan ee Gonzalo Higuain oo goolka 1-aad shabaqa ku hubsaday daqiiqaddii 29-aad kaddib markii uu baas cirib ah ka helay Dani Alves, isla isaga ayaana goolkii 2-aad dhaliyay daqiiqaddii 69-aad isagoo kubadda markale ka helay isla Alves.

Labada kooxood ayaa waxaa markii iskugu dambaysay waxay nus-dhamaadka Champions League ku kulmeen 1998-kii, markaasoo ay lugta hore 4-1 ku badisay Juventus, waloow lugtii 2-aad 3-2 lagaga adkaaday, waxayna Juve sidaa ku gaartey final-keedii 3-aad oo xiriir ah ee Champions League.

b21 b22 b23 b24 b25 b26 b27 b28 b29 b30 b31 b32

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close