XOG: Macallinkii hore ee kooxda Gaadiidka Edward Karanja oo  la wareegay shaqada Horseed

123

(Muqdisho) 02 Maajo 2017  –Xog hoose oo ay heleyso Gool FM ayaa waxa ay sheegeysaa in macallinkii hore kooxda Gaadiidka Edward Karanja uu  dib ugu soo laabtay dalka, isagoo ku sugan xarunta kooxda Horseed

Maamulka kooxda iyo ciyaartooyda naadiga ayaa inoo xaqiijiyay in macallin Karanja uu ku sugan yahay xarunta kooxda isagoo saakay kasoo degtay garoonka Aadan Cadde.

Talada naadiga  cawo iyo maalin waxaa  iminka hayo macallin Cumar Caruus xilli Horseed ay ku jirtaa kaalinta afaraad kala sarreynta horyaalka.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in labada macallin ay iska hoos shaqeyn doono, waxaana Caruus uu sii ahaan doonaa macalinka koowaad inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan.

Markii uu dhammaado horyaalka waxaa si rasmi ah talada kooxda Millitariga ula wareegi doono Edward Karanja.

Sikastaba Edward Karanja  ayaa horay u soo leyliyay kooxda Gaadiidka, iyadoo dhawaan war kasoo baxay Otebaarka lagu shaaciyay in kooxda ay iska fasaxday macallinkan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close