“Weligeey ma dhalin gool sidan oo kale ah.”. Emre Can

i

(England) 02 Maajo 2017. Emre Can ayaa xalay guul muhiim ah u horseeday kooxdiisa Liverpool kaddib markii uu u dhaliyay gool aan innaba caadi ahayn.

Dhammaadka qeybtii hore ee dheeshiia ay la yeesheen Watford, Lucas ayaa kubbad soo karoosay waxaana isla laabay xiddiga reer Germany goolasha aad u taqaanaan dhabal ama labaaleey.

Iska dhaaf taageerayaasha Liverpool xitaa waxaa la yaab ka muujiyay goolkii cajiibka ahaa ee Can taageerayaashii ka soo horjeeday ee Watford.

Watford fans react to Emre Can's spectacular goal that put Liverpool 1-0 ahead at the break

“Weligeey ma dhalin gool sidaa oo kale ah, laga yaabee yaraanteeda. Waa goolkii ugu qurxoonaa ebid aan dhaliyo,” Can oo goolkiisa ka waramaya ayaa sidaa ku hadal bilaabay.

“Boos bannaan ayaan arkay waana ku soo orday, wixii ugu horreeyay ee maskaxdeeda ku soo dhaca wuxuu ahaa inaan doonayay inaan madaxeeyo kubbada, intaa kaddib si aad ah uma fikirin.

“laakiin tan ugu muhiimsan waxay ahayd saddexda dhibcood kaddib markii aan ogaanaya wixii dhacay shalay, kulan wayn buu noo ahaa.

“Wax kasta gacanteena ayay ku jiraan. Haddii aan guuleysano saddex kulan waxaan ka qeyb galeynaa Champions League. Kalsooni baan qabnaa, haddii aan soo bandhigno sida aan karno intaa kaddib waan sameyn karnaa.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close