“Real Madrid waa Bayern Munich iyo Barcelona oo la isku dhafay” – Michael Owen

(Madrid) 02 Maayo 2017 Laacibkii hore ee Real Madrid Michael Owen ayaa amaanay kooxdiisa ka hor kulanka ay caawa la ciyaari doonto Atletico Madrid.

Michael Owen ayaa ku kalsoon in Real Madrid ay ka soo gudbi doonto kooxda tababare Simeone isla markaana ay iska xaadirin doonto Final-ka Champions League oo ay ku guulaysan doonto ugu danbayntii.

37 jirkaan reer ingiriis ayaa sheegay in Barcelona ay tahay kooxda ugu fiican ee haysata xirfadlayaasha kaliga ah, Bayern Munich ayuu ku sheegay inay tahay kooxda haysata badalka ama keydka ugu fiican, wuxuuna sheegay in Real ay haysato dhamaantood.

“Real Madrid ayaa ah kooxda ugu cad cad hanashada Champions League, ma dhahayo lama kulmi doonto tartan, laakiin waqtigaan waa waqtiga kooxaha waa wayn waana inaad ku kalsoonaataa iyaga” ayuu yiri Michael Owen.

“Barcelona waa kooxda haysata xirfadlayaasha kali kaliga ah, Bayern waxay haysataa keydka ugu fiican, Real-na waa isku dhafka labadaas kooxood”.

“Real waxay u dagaalantaa si kabadan Barcelona, waa sax mararka qaar Barcelona ayaa ka wax qabad badan, laakiin Real waa koox iska celisa kooxaha waa wayn”.

“Waxaan filayaa in Real Madrid ay ka soo bixi doonto Atletico isla markaana ay hanan doonto Champions League mar kale”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close