Mario Balotelli oo markale lagusoo celinayo xulka Talyaaniga!

(Nice) 02 Maajo 2017 – Hujuumka Mario Balotelli ayaa la filayaa inuu markale helo fursad uu kaga soo muuqdo xulka qaranka Talyaaniga, marka ay Juun ciyaar saaxiibtinnimo ku wajahaan Uruguay oo ay kula ciyaarayaan garoonka OGC Nice oo uu Balo u safto.

Qannaaskan oo 33 kulan u saftay xulka Talyaaniga ayaa bannaanka ka joogey Azurri tan iyo guuldarradii Koobka Adduunka 2014 oo ay 1-0 kaga badiyeen isla xulka Uruguay.

Kulankaansi ayaa kaambiyadii dambe la bedeley Balotelli, isagoo jaalle qaba, maaddaama uu macallin Cesare Prandelli ka walaacsanaa in roose loo taagi karo maaddaama uu Balo yahay nin dabci kulul.

Balotelli ayaa haatan woxoogaa kusoo kabtay Nice, taasoo uu 16 gool u dhaliyay 26 kulan oo uu u saftay, goolashaas 14 ka mid ah wuxuu ka dhaliyay horyaalka Faransiiska ee Ligue 1.

Sida ku qoran Mediaset Premium, macallinka Talyaaniga ee haatan ee Giampiero Ventura ayay u badan tahay inuu u yeero Balotelli kulanka ay 7-da Juun la yeelan doonaan Uruguay, kaasoo lagu dheelayo Allianz Riviera, oo ah garoonka OGC Nice, waana fursad qaalia ah oo uu markale Mario kusoo noolayn karo doorkiisa ciyaaraha caalamiga ah.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close