Maamulka AC Milan oo daawanaya derby-ga Madrid (Laacibiin ay doonayaan)

(Madrid) 02 Maajo 2017 – Waxaa fiidkan magaalada Madrid ka socota ciyaarta adag ee Real vs Atletico oo ku dheelaya gegada Bernabeu Stadium waxaana kulankan ku tirsan nus-dhamaadka Champions League goob joog u ah maamulayaal iyo kormeerayaal ka socda kooxo kala duwan oo daawanaya laacibiin ay doonayaan waxaana ka mid ah maareeyaha ciyaaraha ee AC Milan ee Massimiliano Mirabelli, kaasoo isha ku haya Alvaro Morata iyo Mateo Kovacic.

Warsidaha Sportmediaset.it ayaa qoraya in laacibka reer Croatia ee khadka dhexe ay xagaagii hore isku raaceen Vincenzo Montella iyo Adriano Galliani, balse uu heshiisku markii dambe socon waayay, maaddaama ay AC Milan kaliya soo qaadan kartay laacibiin amaah ah oo ay wada xaajood kula jirtey dallada hadda iibsatey, yeelkeede, iyadoo haatan iibkii lagu kala baxay waxay Milan miisaaniyad macquul ah u haysaa suuqa kala iibsiga.

Mirabelli ayaa daawanaya xaaladda Kovacic, kaasoo aan ka mid ahayn safka 1-aad ee Zisane, sababtaa darteed buusanna ugu faraxsanayn kooxda CAD CADKA isagoo haatan udub-dhexaad ka noqon kara mashruuca cusub ee Rossoneri, taasoo ku dhiirrin karta inuu hawada bedesho oo uu dib ugu laabto Milano oo ah magaalo uu yaqaanno maaddaama uu Inter Milan u dheeli jirey.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close