Zidane: Real Madrid waa qasab in ay u qaadato lug labaad in aysan jirin

14936365727337

(Madrid) 01 Abriil 2017. Atletico Madrid waxa ay soo booqan doontaa salaasada gegida Santiago Bernabeu lugta hore ee afar dhamaadka Champions League-ga, laakiin Zinedine Zidane waxa uu ugu baaqay ciyaaryahanadiisa in ay kulan u qaabilaan sida in fursad kale aysan jirin.

Los Blancos waxa ay caan ku tahay soo laabshada kulamada Europe, laakiin France-siiska ma doonayo in uu safar u galo gegida Vicente Calderon isaga oo guul raadinaya.

“Waan garaneynaa sida kulankan muhiim u yahay,” tababbaraha ayaa ku sheegay sidaas shirkiisii jaraa’id eek a horreeyey kulanka  berry.

“Waa biyo kama dhibcaan in aan u qaadanno lug kale in aan la dheeleyn daqiiqado ugu horreysa ee ciyaartan.

“Waa qasab in aan kaliya ka fakarno kulanka talaadada ee aan iska ilowno lugta labaad.

“Jamaahiirteena ayaa na garab taagnaan doono sidii toddobaadkan oo kale.

“Kooxda wax badan ayey caawiyaan, waa faa’ido waana u baahannahay.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close