XOG: Kooxda Juventus oo isla todobaadka soo socda hanan karta horyaalka Talyaaniga!

(Torino) 01 Maajo 2017 – Kooxda Juventus ayay dhici karta waxay todobaadka soo aaddanba u dabaaldegi kartaa hanashada horyaalkeedii 6-aad oo xiriir ah, marka ay la kulanto kooxda Torino oo ay Sabtiga ballansan yihiin.

Kooxda Bianconeri ayaa haatan hoggaanka ku haysa 9 dhibcood oo nadiif ah, iyadoo shalay ay Roma oo kaalinta 2-aad ku jirtaa ka faa’iidaysan wayday fursad soo martay kaddib markii dhegta dhiigga loo daray oo ay 3-1 uga badisay Lazio.

Waxay taasi haddaba ka dhigan tahay in Juventus haddii ay dhibcaha ka tirsadaan Granata isla markaana Roma laga badiyo ama ay barbarro gasho kulanka ay San Siro kula yeelanayso AC Milan, in horyaalka lagu kala baxayo.

Tan kale, haddii ay xitaa kooxda Max Allegri barbarro gasho, balse laga badiyo Giallorossi waxay Old Lady xisaab ahaan funaanadda ku tolan doontaa horyaalka.

Haddiise Juvenrus laga badiyo – oo ay Roma garaacdo Milan – horyaalka laguma kala bixi doono ilaa todobaadka xiga oo ay foodda is darayaan isla Bianconeri iyo Giallorossi oo ku ciyaaraya Stadio Olimpico.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close