Bale iyo Pepe oo si rasmi ah u seegaya kulanka Derby Madrid

(Madrid) 01 Maayo 2017 Tababare Zidane ayaa shaaciyay liiska ciyaartoyda uga qaybgalaya kulanka habeen dambe ay marti qaadi doonaan Atletico Madrid.

Gareth Bale, Fabio Coentrao iyo Pepe ayaa si rasmi loo xaqiijiyay inay seegi doonaan kulanka habeen dambe ee Atletico Madrid.

Zidane ayaa doonaya inuu gaaro Final-ka Champions League markiisii labaad oo xiriir ah, kadib markii xiliciyaareedkii hore uu Final-ka ku hogaamiyay kooxdiisa, isla markaana uu u gacan galiyay koobka.

Liiska Ciyaartoyda uu u yeeray Tababare Zidane kulanka Atletico Madrid:

Goolhaye: Navas, Casilla iyo Yanez.

Daafac: Ramos, Varane, Marcelo, Danilo, Carvajal iyo Nacho.

Qad Dhexe: Kroos, Modric, Isco, James, Casemiro, Kovacic iyo Asensio.

Weerar: Ronaldo, Benzema, Morata, Vazquez iyo Mariano.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close