SAWIRRO XUL AH: Ciyaar lagu maamuusayo maalinta shaqaalaha adduunka oo galabta ka dhacday garoonka Wiish

IMG_1416

(Muqdisho) 30 Abriil 2017-Xilli bari ay ku beegan tahay 1-da May oo ah maalinta shaqaalaha adduunka ayaa galabta garoonka Wiish waxaa lagu ciyaaray kullan xiiso badan kaasoo lagu maamuusayay maalintaas ku weyn dunida.

Kullanka ayaa waxaa is arkay koox ku ciyaareysay magaca Wasaaradda iyo xiddigo kala duwan oo laga soo xulay kooxaha ka ciyaara dalka iyo ciyaartooydii cuslaatay.

Goobta ay ciyaarta ka dhaceysay waxaa ku sugnaa masuuliyiin kala duwan oo uu hoggaaminayo  wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha iyo hormarinta arimaha bulshada mudane Saalax Axmed Jaamac, wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow,xubna ka socday wasaardaha kala duwan ee dalka, masuuliyiin ka tirsan GOS iyo xiriirka kubadda koleyga Soomaaliya.

Koobkii lagu maamuusayay 1-da May waxaa ku guuleysatay kooxdii ku ciyaareysay magaca wasaaradda iyadoo halkaas lagu guddoonsiiyay koob aad u qurux badan.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha iyo hormarinta arimaha bulshada mudane Saalax Axmed Jaamac oo goobta ka hadlay ayaa ugu horeyn u mahad celiyay shaqsiyaadkii soo qaban qaabiyay kullankaas, isagoo dhanka kale sheegay in Wsaaraddu ay waddo qorsho ay shaqo ugu abuureyso dhallinta Soomaaliyeed.

Sikastaba Soomaaliya ayaa si weyn loogu xusaa maalinta shaqaalaha adduunka, waxaana inta badan dalka lagu qabtaa munaasibado iyo koobab loo  dhigo kooxaha ka dhisan dalkeena.

IMG_1349 IMG_1350 IMG_1352 IMG_1353 IMG_1354 IMG_1357 IMG_1359 IMG_1363 IMG_1367 IMG_1378 IMG_1380IMG_1389 IMG_1402 IMG_1416IMG_1419 IMG_1426 IMG_1440IMG_1445 IMG_1442 IMG_1449IMG_1459 IMG_1462 IMG_1386IMG_1393

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close