MAXAA HELAY BLUES?: Chelsea oo Petr Cech ku darsatay shaxda galabta ay kala hortagi doonto Everton xili uu u ciyaaro Arsenal

(London) 30 Abriil 2017 Kooxda Chelsea ayaa samaysay arin aad loola yaabay galabta kadib markii ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay shaxda kooxdeeda ee kulanka Everton.

Ciyaarta ayaa goor dhaw ka bilaaban doonta garoonka Goodison Park ee ay ku ciyaarto Everton, Petr Cech ayaana ka soo muuqday shaxdii ay shaacisay kooxda.

Petr Cech ayaa ka tagay Chelsea xaggaagii 2015, markaas oo uu ku biiray kooxda dariskooda ah ee Arsenal, laakiin waxaa muuqata in wali aan laga hilmaamin dhanka Blues inkasta oo uu laba sano ka soo maqanyahay.

Kooxda ayaa durbadiiba ku baraarugtay inay goolhaye u magacaabeen Petr Cech halkii ay doonayeen Thibaut Courtois kulaka Everton, waxayna dib u saxeen qaladkii ay soo qoreen.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close