Bayern Munich oo go’aan ka gaartay mustaqbalka Tababare Carlo Ancelotti

(Munich) 28 Abriil 2017 Kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich ayaa go’aan ka gaartay mustaqbalka tababaraha reer talyaani ee Carlo Ancelotti kadib markii kooxdu ay ka soo hartay Champions League.

Real Madrid ayaa daaqada ka saartay kooxda macalin Ancelotti oo doonaysay sanadkaan inay ku guulaysato koobka horyaalada yurub.

Sidoo kale kooxda Borussia Dortmund ayaa isbuucaan ka reebtay koobka Jarmalka taas oo shaki sii galisay shaqada Ancelotti ee kooxda Bayern Munich.

Image result for Ancelotti Rummenigge

Gudoomiyaha kooxda Bayern ee Karl-Heinz Rummenigge oo ka hadlay mustaqbalka Ancelotti ayaa sheegay inuu kooxda kula jiro heshiis lawada ogyahay oo ah ilaa 2019.

“Carlo waa tababare Khabiir ah, waana tababare aad u fiican, heshiiska uu nagula jirana waa mid lawada yaqaan (2019)”. ayuu u sheegay wargayska Bild.

“Mustaqbalka Ancelotti ee kooxdaan waa mid aan wada hadal la galin karin” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close