HORDHAC: Manchester City Vs. Manchester United

Manchester-City-vs-Manchester-United-EPL-Match-Preview

(Manchester) 27 Abriil 2017. Kulan xiiso badan ayaa caawa Etihad ku dhexmari doonaa labada dhinac ee isku xifaaliya Manchester.

Ciyaartan Manchester Derby waxa ay go’aan kartaa labadooda mid ku soo bixi karta mid ka mida afarta sare.

Man City

-Tababbaraha Manchester City waxa uu filayaa in Sergio Aguero uu taam u ahaado kulanka caawa kaddib jug soo gaartay toddobaadkan

-Sidoo kale Silva ayey City rajeyneysaa In uu qeyb ka qaato ciyaarta walow uu ka daran yahay Aguero

-Gabriel Jesus wuu ku sigtay in uu soo galo safkiisii la dheelay Arsenal  balse ugu yaraan in uu keydka fariisto ayey u badan tahay

-John Stones shaki badan ayaa laga qaabaa kaddib markii uu dhaawac ku seegay kulankii Arsenal taas oo keentay in Vincent Kompany uu ciyaartii saddexaad oo xiriir ah ku soo bilowdo

Man United

-Jose Mourinho waxa uu ugu baaqay Phil Jones iyo Chirs Smalling in ay isu diyaariyaan kulankan maadama uu Marcos Rajo dhaawacmay laakiin uma muuqato midkood in uu diyaar yahay

-Paul Pogba wuu ka dhutiyey ciyaartii Burnley, Mourinho waxa uu xaqiijiyey in uusan dheeli doonon. Marouane Fellaini iyo Michael Carrick ayaa booskiisa ku loolamaya

-Ander Herrera canqawga ayuu dhaawac ka soo gaaray kulankii Burnley laakiin Mourinho in uu taam yahay ayuu sheegay

– Antonio Valencia waa diyaar isna

-Anthony Martial bandhig wacan ayuu la yimi ciyaartii Burnley balse keydka ayaa loo badinayaa

– Marcus Rashford and Henrikh Mkhitaryan waa la nasiyey kulankii Burnley waana diyaar ciyaartan

-Zlatan Ibrahimovic ololahan inta ka dhiman ma dheeli doono

RAADRAAC

-Manchester United guuldarro lama kulmin 23kii kulan ee ugu dambeeyey Premier League-ga

-Manchester City lagama badin 8dii kulan ee ugu dambeeysya Premier League-ga ee ay gurigeeda ku ciyaartay

SAFAFKA LA FILI KARO

kkkk

Gegida: Etihad

Saacadda Geeska Africa: 10Pm

Dhex dhexaadiyaha: Martin Atkinson

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close