Gurdiola: Carrick waa mid ka mida udub dhexaadyadii abid ugu fiicnaa ee aan nolosheyda arko

FBL-ENG-LCUP-MAN UTD-SOUTHAMPTON

(Manchester) 27 Abriil 2017. Pep Guardiola ayaa ku amaanay Michael Carrick in uu ka mid yahay bur buriyeyaasha ugu wanaagsan ee kubadda cagta uu ku arkay.

Manchester City waxa ay caawa (Khamiis) cadaw deriskeeda ku qaabili doontaa Etihad kulan go’aamin kara ka mid noqoshadooda afarta sare.

Carrick, oo uu ka dhacayo qabdaraaska gaba gabada ololahan ayaa la filayaa in uu ka soo muuqdo dhexda kulanka Etihad, Guardiola waxa uu aaminsanyahay in 35 jirka uu la mid yahay Sergio Busquets iyo Xabi Alonso.

Manchester United v Southampton - EFL Cup Final

‘Taageere weyn ayaan u ahay Michael Carrick,’ ayuu yiri Guardiola.

‘Waa mid ka mida udub dhexaadyada ugu fiican ee aan abid arkay intii aan noolaa waliba kuwa ugu wanaagsan.

“Waxa uu la heer yahay Xabi Alonso iyo Sergio Buquets.’

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close