Guardiola: Waxaan dareemayaa in aan hada ahay tababbare wacan

pep-guardiola-manchester-city-fa-cup_p080k5hxniqz15tvst6d1kjba

(Manchester) 27 Abriil 2017. Pep Guardiola waxa uu sheegay in Premier League-ga uu cashar u noqday balse uu iminka dareemayo in uu ka wanaagsan yahay sidii hore.

Tababbaraha reer Clatan uma baran in uu fara marnaan ololeyaasha baxo isaga oo bilado badan la qaaday Barcelona iyo Bayern Munich.

Waxaa iminka hubaal ah in uu waayi doono biladaha maxaliga ah kaddib markii ay Arsenal ka soo reebtay FA Cup-ka, waliba waxaa halis ku jira booska Champions League-ga.

Guardiola waxa uu sheegay waayo aragnimada uu ka kororsaday Manchester City in ay ka caawin doonto ka gun gaaridda himilooinka fog fog.

“Tababbare xun ku noqon maayo maxaa yeelay koob  kuma guuleysan,” ayuu u sheegay Sky Sports.

“Waxaan dareemayaa in aan ka wacannahay sidii hore maxaa yeelay wax badan ayaan bartay iyo waayo aragnimo. Waxaan bartay sida loola tacaalo xaaladaha si ka wacan sidii hore.

“Caadiyan marka ay wax dhacaan marka ugu horreeysa waxaad garaneynaa sababta ay u tahay markii ugu horreysay, markaa hadii ay dhacaan sagaal sano kaddib waa cajiib. Taas waa waxa aan bartay –  waan isku dayey laakiin ma awoodin.

“Spain, kooxo wanaagsan ayaa jooga oo aan ololahan waxba sanadkan ku guuleysan doonin laakiin taasi Europe oo dhan ayey ka dhaceysaa.

“Waxaan filayaa in aan waayo dheer yeesho tababbare ahaan  sidoo kalena wey dhci doontaa sanad.

“Ma joogo koox ku guuleysatay koobab badan sida Barcelona, Bayern, Madrid, Inter, Juventus ama AC Milan.

“Markaa taas waa sababta aan u raadinayo wax cusub waana in aad fiicnaataa si aad ugu guuleysato tirada koobabka ay haystaan United, Chelsea iyo Liverpool kooxo ka taariikh badan Manchester City.

“Taas waa sababta aan u doortay in aan halkan u imaado, cashar ayey ii ahayd. Taasi waa sababta aan uga fikiro wax aynaan si fiican u sameyn una qaadano go’aano wanaajinaya ololaha dambe.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close