Hazard oo war qalbi jab ku ah Chelsea u sheegay saaxiibadiisa

hza

(London) 26 Abriil 2017. Laacibka Chelsea ee Eden Hazard ayaa la warinayaa inuu saaxiibkii u sheegay inuu doonayo inuu ka tago Chelsea isla markaana ku biiro Real Madrid si uu u noqdo laacibka ugu fiican adduunka.

Sport Magazine iyo 101 Great Goals ayaa labaduba wariyay in xiddiga reer Belgium uu doonayo inuu xagaaga ka tago Blues.

“Qorshaheyga waa inaan horyaalka la qaado Chelsea, dabadeedna waxaan doonayaa inaan ku biiro Real Madrid aana ku guuleysto Ballon d’Or.”. Hazard ayaa la sheegayaa inuu sidaa u sheegay mid ka mid ah saaxiibadiisa dhow dhow.

Image result for Eden Hazard Real Madrid

Hazard aya ku jira sanadkan qaab ciyaareed aad u fiican isagoona goolasha u daah furay Chelsea dheeshii ay xalay 4-2 uga adkaadeen Southampton.

Qaab ciyaareedka wacan uu ku jiro Eden Hazard ayaa soo jiitay Real Madrid taa oo la aaminsan yahay inay ugaarsi ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen xiddigan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close