Dalalka Laatiin Yurub oo lagu casuumayo Koobka Laatiin Ameerika! (Isbeddel cusub)

(Asunción) 26 Abriil 2017 –  Xulka Talyaaniga ayaa ka mdi ah dalal ay dhici karto in lagu casuumo Copa America dufcaddiisa soo socota ee 2019 oo lagu qaban doono Brazil, iyadoo ay wehliyaan dalal kale oo ka socda Central America iyo Asia.

Conmebol ayaa ogolaaday in dib u qaabayn lagu sameeyo tartanka, iyagoo hadda kaddib 6 dal kasoo casuumi kara xiriirrada kale ee caalamka ku yaalla.

Talyaaniga ayaa laga yaabaa in casuumaad loo diro iyadoo ay wehlin doonaan dalalka kale ee Latin Yurub sida France Spain iyo Portugal, sida ku xusan GloboEsporte.

Dalalka South America kasoo geli doona ayaa kala ah Brazil, Argentina, Uruguay, Paraguay, Chile, Peru, Bolivia, Colombia, Ecuador iyo Venezuela. Ballaarintan ayaa laga leeyahay dana dhaqaale iyadoo looga dayanayo ballaarinta Koobka Adduunka oo la gaarsiin doono 48 dal.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close