DAAWO SAWIRRO: Madaxwaynaha Jubbaland oo Xariga ka jaray Garoonka Kubada Cagta Waamo ee magaalada Kismaayo

M

(Kismaayo) 26 Abriil 2017.Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta oo Arbaco ah Xariga ka jaray Garoonka Kubada Cagta Waamo ee Magaalada Kismaayo oo la dhigay Roog Macmal ah . Munaasabadii Xarig jarka Garoonka Kubada Cagta ee Waamo waxaa kaso Qayb galay Madaxwaynaha Jubbaland, ku xigeenkiisa, Wasiiro, Xildhibaano iyo Bahda isboortiga.

Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa furitaanka Garoonka Kubada Cagta ka sheegay in Maanta ay farxad u tahay Ciyaartoyda iyo dhamaan Reer Jubbaland madaama la diyaariyay Garoonkii Kubada Cagta ee Waamo.

Madaxwaynaha ayaa sigaar ah ugu mahadceliyay Hay’addaha UNHCR iyo ARC oo iska kaashaday Dhigista Cooska Macmalka ah Ee Garoonka Kubada Cagta Waamo ee Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale Madaxwaynaha ayaa xusay in Ciyaaraha Dowlad Gobaleedyada Soomaaliya ay marti galin doonto magaalada Kismaayo islamarkaana uu diyaar yahay Garoonkii tartankaas lagu qaban lahaa.

Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam wuxuu xusay in Garoonka Waamo uu yahay Garoonkii labaad ee la dhigo Gogosha Rooga ah ee Macmalka wuxuuna hoosta ka xariiqay in Kismaayo ay mudan tahay in la dhigo Roogaan madaama ay kalin wayn kaga jirto tariikhda Ciyaaraha Soomaaliya.

Munasabada Xarig Kajarka Kadib Waxaa Garoonka Kadhacdey Kulan Ciyaareed Dhex Marey Kooxda Xulka Jubbaland Iyo Nadiga Koban fc Waxeyna Kuso idlaatey 3:1 oo ay kubadiyeen ciyaartoyda xulka jubbaland

DAAWO SAWIRRO

Z V S D G 0 7 1 2 8 3 6 9 11 111 B J M

GoolFM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close