RIKOODHADII laga diiwaan geliyey kulankii ay kooxda Liverpool guuldarrada kala kulantay Crystal Palace ee Premier League

2068757-43370347-2560-1440

(Liverpool) 24 Abriil 2017 – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa guuldarro 2-1 shalay gelinkii dambe kala kulantay naadiga Crystal Palace, kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Reds oo garoonkeeda Anfield lagu ciyaarayey ayaa goolka la horreysay waxaan laad xor ah oo toos ah u dhaliyey Philippe Coutinho, laakiin Christian Benteke ayaa labada gool ee ay Crystal Palace guusha ku qaadatay kulankan ka dhaliyey kooxdiisii hore ee Liverpool.

Haddaba halkaan hoose ka eeg RIKOODHADII laga diiwaan galiyey kulankan:-

>- Christian Benteke ayaa dhaliyey shan gool saddexdiisii kulan ee ugu dambeeyey Premier League oo uu ku dheelay garoonka Anfield.

>- Ma jirto koox ka badan Crystal Palace oo laga dhaliyey laad xor ah oo toos ah (direct free-kick) xilli ciyaareedkan, waxaana Palace loogu shubay saddex bulusoon.

>- Sam Allardyce ayaa guushiisii ugu horreeyey Premier League ku soo gaartay garoonka Anfield, isagoo tababare ah, kaasina waxa uu ahaa isku daygiisii 14-aad.

>- Crystal Palace ayaa ah kooxdii ugu horreysay ee saddex kulan oo xiriir ah Premier League guul ku soo gaarta garoonka Anfield tan iyo Chelsea bishii October sanadkii 2005.

>- Lucas Leiva ayaan weli gool dhalin 201-diisii kulan ee ugu dambeeyey oo uu ka soo muuqday Premier League, 50 ciyaaryahan oo kala duwan ayaana goolal u dhaliyey Liverpool, tan iyo goolkiisii ugu dambeeyey oo uu dhaliyey bishii May sanadkii 2009-kii.

>- Philippe Coutinho ayaa dhaliyey 10 gool oo Premier League xulli ciyaareedkan afar ka mid ahna waxa uu ka dhaliyey bannaanka xerada rigoorada, isagoo rikoorkaas kula biiray Ibrahimovic iyo Shaqiri.

>- Philippe Coutinho ayaa hadda goolkiisii 9-aad ka dhaliyey bannaanka xerada ganaaxa tan iyo xilli ciyaareedkii 2015/16, waana in ka badan ciyaaryahan kasta oo kale Premier League.

>- Christian Benteke ayaa hadda ka dhaliyey 7 gool tartammada oo dhan kooxda Liverpool, waana kooxda ugu badan oo uu goolashaas ka dhaliyey.

>- Crystal Palace ayaa guul gaartay saddex kulan oo Premier League ay ciyaartay bishan Apriil, waxaana ay guulahaas ay ka gaartay saddex kooxood oo waa wayn waana:-

2-1 vs. Liverpool

3-0 vs. Arsenal

2-1 vs. Chelsea

>- Christian Benteke ayaa saddex kulan oo xiriir ah Premier League gool ugu soo dhaliyey kooxdiisa oo ku dheelaysa meel ka baxsan garoonkeeda, waana kulamada:-

Chelsea

Southampton

Liverpool

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close