Ramos: In aan qof dhaawaco niyadeyda kuma jirin

sergio-ramos-cropped_194975o7sg1wz1egiuq0m6vdc5

(Madrid) 24 Abriil 2017. Kabtanka Real Madrid, Sergio Ramos waxa uu qabaa in uusan u qalmin kaarkii casaa ee loo taagay kulankii xalay ee El Clasico.

Daqiiqadii 77-aad ayaa waxaa dheesha ka saaray garsoore Alejandro Hernandez kaddib markii uu shaafto laba lugood ah isaga oo duulaya la kacay Lionel Messi.

Ramos,yeelkeede waxa uu qabaa in aad loo ciqaabay balse uusan u niyoon qof in uu Santiago Bernabeu ku waxyeeleeyo.

“Kaarka ka bad badis ayuu ahaa,” ayuu wariyeyaasha u sheegay.

“Uma socon in aan qof dhaawaco. Aragtideyda, taasi jaalle ayey ahayd, ma aha kaarka cas. Waan daahsanaa, laakiin ma jirin taabasho.

“Waligey ma yeelan niyad lagu dhaawaco qof.”

Real Madrid waxaa looga badiyey El Clasico 2-3 taas oo furtay loolanka La Liga markale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close