Mattia De Sciglio oo dhegaha AC Milan ku dhibciyay waxa uu doonayo & taageerayaasha oo shalay aflagaaddeeyay!!

(Milano) 24 Abriil 2017 – Daafaca Mattia De Sciglio ayaa la sheegayaa inuu saaka xaqiijiyay qasadkiisa ku aaddan inuu xagaaga iskaga tago kooxdii uu kusoo barbaaray ee AC Milan, sida ay wararku sheegayaan.

Daafacan oo labada dadab ee bidix iyo midigba ka dheeli kara ayaa mar lagu tilmaami jirey ”Maldini-ga cusub” balse waxaa haatan lala xiriirinayaa kooxda ay Milan xafiiltamaan ee Juventus, oo waloow aysan la yaab lahayn inay laacibiin isu waydaartaan labadan kooxood misna inta badan ka mid ma ahayn laacib ay kooxda uu joogaa weli doonayso inay sii haysato iyadoo kaddib guuldarradii lama filaanka ahayd ee shalay ay Empoli kaga badisay Milan la soo weriyay inay taageerayaal Milanista ihi laacibkan ku orriyeen iyagoo garoonka bannaankiisana ku aflagaaddeeyay.

De Sciglio oo uu qandaraaskiisu dhacayo xagaaga 2018, ayuu Sky werinayaa inuu saaka Milanello kula kulmay maareeyaha cusub ee Rossoneri ee Massimo Mirabelli kaasoo uu u sheegay ujedkiisa ah inuu doonayo inuu xagaaga doonayo inuu ka dhaqaaqo Milan isagoo diidey in qandaraaskiisa la cusboonaysiiyo.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close