Ma ogtahay in Lionel Messi uu mid ka mid ah ILKIHIISA ku waayay kulankii xalay ee El Clasico!???…(DAAWO)

lio

(Spain) 24 Abriil 2017. Lionel Messi ayaa dagaalkii xalay ee El Calsico ku waayay mid ka mid ah ilkihiisa kaddib markii uu suxul kuuma kasin u muuqday uu laqsiiyay Marcelo qeybtii hore ee deesha.

Messi ayaa dibada loo saaray dabadeedna la soo celiyay isagoo tiish afka u saaran yahay isla markaana uu dhiiga ka daadanayo.

Laakiin xanuunkaas ayuu malaha dhiiri galin ka qaaday xiddiga reer Argentina isagoo labo gool oo caaqibo leh ka dhaliyay Real Madrid ciyaartii xalay ku idlaatay 2-3.

Muuqaal iminka la soo helay ayaa muujinaya in Messi uu tufay mid ka mid ah ilkihiisa mar uu garoonka dib ugu soo laabanayay qeybtii labaad ee kulanka.

Waxa uu tufayay Messi ayaa u muuqday candhuuf balse ma ahayn sida la sheegayo oo waxaa la wariyay inay ahaayeen mid ka mid ah ilkihiisa.

Kabtanka xulka Argentina oo xalay gaaray goolkiisii 500-aad  ayaa iminka u baahnaan doona qaliin dhanka ilkaha ah si looga daweeyo dhibkii soo gaaray.

DAAWO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close