Arsenal oo iska xaadirisay final-ka FA Cup kaddib markii ay garoonka Wembley guul soo laabasho ah kaga gaartay kooxda Man City… + SAWIRRO

(London) 23 Abriil 2017 – Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa iska xaadirisay final-ka FA Cup-ka, kaddib markii ay garoonka Wembley ay guul soo laabasho ah kaga gaartay naadiga Manchester City.
Ciyaartan oo 30 daqiiqo oo dheeri ah la isla aaday ayaa waxaa 2-1 ku adkaatay Arsenal, waxaana ay final-ka koobka FA Cup la dheeli doontaa naadiga Chelsea.
Kulankan oo fursado fiican la isku helay labada dhinac ayaa lagu kala nastay goolal la’aan 0-0.
Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Manchester City ayaa goolka la horreysay waxaana 62’daqiiqo u dhaliyey Sergio Aguero, kaddib markii uu goolhayaha Gunners daba mariyey karoos uu dhexda ka soo tuuray Yaya Toure, Arsenal ayaana lagu hoggaamiyey 1-0.
Arsenal ayaa goolkaas iska soo guday waxaana 72’daqiiqo u barbareeyey Nacho Monreal, kaddib markii uu si wacan u dhammaystiray karoos uu dadab ka soo qaaday Alex Oxlade-Chamberlain, kulanka ayaana sidaas ku noqday barbaro 1-1.
90-ka daqiiqo ee ciyaarta ayaa ku soo dhammaatay barbaro 1-1, waxaana loo baahday in lagu kordhiyo 30 daqiiqo oo dheeri ah si loo kala saaro labada kooxood, iyadoo intii lagu guda jiray daqiiqadii lagu kordhiyey ciyaarta ay Arsenal la timid goolka ay guusha ku qaadatay.
Arsenal ayaa la timid goolka guusha 101’daqiiqo waxaana kubbad uu soo qaaday Danny Welbeck, ka dhex faa’iideystay difaacyada Man City Alexis Sanchez oo sidaas Arsenal goolka guusha ugu dhaliyey ciyaarta ayaana ku soo dhammaatay 2-1.
Guushaas ayaa Arsenal uga dhigan inay gaartay final-ka FA Cup oo ay la ciyaari doonto kooxda ay isku magaalada yihiin ee Chelsea, taasoo xalay gaartay final-ka kaddib markii ay reebtay Tottenham.
SAWIRRO:
Gool FM.