Xulka qaranka dalkeena Soomaaliya oo galabta la wajahaya South Sudan

18051719_1280594668642983_1388885796_n

(Muqdisho) 22 Abriil 2016.Xulka qaranka dalkeena Soomaaliya ayaa galabta kullan aad u xiiso badan waxa ay la ciyaari doonaan South Sudan kullankaas oo ka tirsan koobka Chan.

Qaranka ayaa iminka dagan hotel lagu magacaabo Darul Salaam ee ku yaala dalka Jabuuti, iyadoo labadii maalin ee la soo dhaafay tababar ku sameynayay garoonka El Hadj Hassan Gouled.

Haruna Mawa oo ah macallinka qaranka ayaa qorsho ka badalan qaabkii macalimiintii hore la soo baxay markii uu xulka ugu yeeray kaliya laba  weeraryahan oo kala ah Bile Muxudiin iyo Maxamed Martial oo  u kala ciyaara Elman iyo Heegan.

Macallinka ayaa xooga saaray daafcyada iyo khadka dhexe isagoo xulka ugu yeeray dhowr xiddig oo ka dagaalanta booska dhexe.

Koobka Chan ayaa la qabtaa laba  sano mar waxaana ka qeyb qaata  xiddigaha ka ciyaara horyaalada  dalkooda waana markii labaad oo ay Soomaaliya ka qeyb galeysa koobkaan sida uu xaqiijiyay macalin Cawil Cismaan oo ah madaxa Farsamada qaranka

Sikastaba xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in kullanka uu soo gali doono 4:00 galabnimo, waxaana lagu ciyaari doonaa garoonka El Hadj Hassan Gouled.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close