Xiddigii bartilmaameedka u ahaa kooxaha Premier League ee Lorenzo Insigne oo heshiis cusub qalinka ugu duugay Napoli + SAWIRRO

C-Aelx2XYAQvX0u

(Naples) 22 Abriil 2017 – Weeraryahankan oo si wayn loola xiriirinayey inuu u dhaqaaqi doono horyaalka Premier League ayaa go’aansaday inuu sii joogto horyaalka Serie A, waxaana uu kooxdiisa Napoli qalinka ugu duugay heshiis cusub.

Lorenzo Insigne ayaa hadda soo gabagabeeyey wararkii xanta ahaa ee la isla dhexmarayey kuwaasoo sheegayey in weeraryahankan uu u dhaqaaqi doono kooxo ka dheela horyaalka Premier League, waxaana uu kooxdiisa Napoli u saxiixay heshiis cusub oo ku eg ilaa 2022.

Xiddigan xulka qaranka Talyaaniga ayaa waxaa xiisaynayey kooxaha Liverpool iyo Arsenal, laakiin hadda waxa uu go’aansaday inuu la joogo kooxdiisa ka dheesha horyaalka Serie A, isagoo qalinka ugu duugay heshiis ku eg sanadka 2022-ka.

 C-Aem5SXkAAc_hw

Insigne, kaasoo 14 gool oo horyaalka ah dhaliyey 7 gool oo kalena caawiye uga ahaa kooxdiisa Napoli horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan ayaa xaqiijiyey inuu ku faraxsan intii la sii joogo kooxdiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close