SAWIRRO: Tababarkii ugu danbeeyay ee Real Madrid ka hor kulanka El-Clasico

(Madrid) 22 Abriil 2017 Kooxda Real Madrid ayaa qaadatay tababarkii ugu danbeeyay ee ka hor kulanka habeen dambe ee El-Clasico, waxayna dib u heleen ciyaartoy muhiim ah.

Gareth Bale ayaa ka soo muuqday tababarkii saaka isaga oo sifiican uga qayb qaatay, wuxuuna muujiyay inuu taam u yahay kulanka adag ee Barcelona.

Real Madrid ayaa habeen dambe garoonkeeda ku soo dhawayn doonta kooxda Barcelona oo ay ka sarayso kaliya 3-dhibic, waxaana baaqi u ah kooxda boqortooyada Spain hal kulan.

Kulanka El-Clasico ayaa la saadaalinayaa inuu yahay kulan kala go’aamin doona tartanka La Liga ee xiliciyaareed kan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close