SAWIRRO: Tababarkii ugu danbeeyay ee Barcelona ka hor kulanka El-Clasico

(Barcelona) 22 Abriil 2017 Kooxda Barcelona ayaa samaysay saaka tababarkii ugu danbeeyay ee ka hor kulanka habeen dambe ay la ciyaari doonaan kooxda Real Madrid.

Ciyaartoyda oo ay ka muuqatay niyad jabkii ay ka soo qaadeen Champions League ayaa si adag u qaadanayay tababarka si ay guul uga soo hooyaan Real Madrid.

Neymar oo la filayo inuu ganaax ku seego kulanka El-Clasico ayaa ka soo muuqday tababarkii saaka, Barcelona ayaana wado walba u maraysa sidii ay ku ciyaarsiin lahayd laacibkeeda.

Messi iyo Suarez ayaa sidoo kale sifiican uga dhex muuqday tababarkii Barcelona ee saaka, kooxda ayaana sifiican ugu diyaar garowday kulanka adag ee habeen dambe.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close