Safafka ay caawa ku soo gali karaan kulanka London Derby kooxaha Chelsea iyo Tottenham

thibaut-courtois-chelsea_rz423o0g67eh10mh4w0kwplw1

(London) 22 Abriil 2017 –  Kooxaha ku tartamaya hanashada horyaalka Premier League ee Chelsea iyo Tottenham Hotspur ayaa caawa ku wada ciyaari doona garoonka Wembley ee Magaalada London, midkood ayaana labadan kooxood gaari doonta final-ka FA Cup.

Kooxda tababare Antonio Conte ayaa la filayaa inay kulankan dib u hesho goolhaye Thibaut Courtois iyo xiddigooda Marcos Alonso kuwaasoo labaduba seegay kulankii Man United ay guuldarrada ka soo heleen.

Gary Cahill ayaa la filayaa inuu kulankan seego iyadoo shaki laga galinayo safashada kulankan, kaasoo la malaynayo inuu kulanka London Derby ku seegi doono xanuun.

hd-tottenham-chelsea_150qm1yzzfara10ub3f65rpi81

Tottenham waxaa kulankan diyaar ah weeraryahankeeda Harry Kane, kaasoo ka soo kabsaday dhaawac uu la maqnaa.

Kooxda Spurs ayaan kulankan heli doonin adeega xiddigaheeda Harry Winks, Danny Rose iyo Erik Lamela kuwasoo dhammaantood dhaawacyo qaba.

Haddaba waxaa halkaan hoose ku eegeynaa safafka ay la soo shirtagi karaan labadan kooxood ee Blues iyo Spurs kulankan London Derby:-

CHELSEA:

chelsea-gfx_epo1fuvsnlb1vkf3h1tvy4d0   

 TOTTENHAM:

spurs-chelsea_1mlvxvxrm62aw1xd1jv48if2ir

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close