Man City oo €60m oo euro ku raadinaysa Leonardo Bonucci

(Manchester) 22 Abriil 2017 – Warsidayaasha reer Ingiriis ayaa isku raacsan in Manchester City ay diyaarisay £50m oo gini (qiyaastii €60m euro) oo ay ku raadinayso gaashaanka adag ee Juventus ee Leonardo Bonucci.

Xiisaha ay kooxdani u qabto dambeedkan dhexe ee dhagaxa ah ayaan sir ahayn, gaar ahaan Pep Guardiola oo dhowr mar Bonucci ku tilmaamay qaar ka mid ah laacibiinta uu ka helo caalamka.

Wuxuu 30 jirsanayaa bisha soo aaddan, isagoo qandaraas dheer kula jira Bianconeri kaasoo ku eg Juun 2021, kaasoo ah heshiis uu saxiixay uun bishii Diseembar 2016.

Yeelkeede, Manchester City ayaan weli ka quusanin, iyadoo uu Daily Telegraph werinayo inay kooxdani doonayso inay rikoodh cusub u dhigto lacagaha lagusoo iibsado daafacyada iyadoo ku bixinaysa €60m.

Juventus ayaa taagan nus-dhamaadka Champions League oo ay ku aadday Monaco iyo sidoo kale Coppa Italia Final oo la ciyaari doonto Lazio, halka ay 8 dhibcood ku horkacayaan Serie A, sidaa darteed haddii ay Bianconeri ku guulaysato seddexleey taariikhi ah, waxaa Bonucci u furan inuu soo tijaabiyo xeebaha Ingiriiska iyo Premier League, balse ma sahlana.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close