Kooxda Arsenal oo dalka Spain ka baadi goobaysa bedelka Ozil

FC Barcelona v VfL Borussia Moenchengladbach - UEFA Champions League

(London) 22 Abriil 2017 –  Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa bedelka laacibkeeda qadka dhexe ee Mesut Ozil ka baadi goobaysa horyaalka La Ligaha dalka Spain.

Arsenal waxa ay ku dhowday inay u dhaqaaqdo xiddiga qadka dhexe ee kooxda Barcelona Arda Turan sida ay warinayso majaladda CNN Turk via The Sun.

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Atletico Madrid ayaa ku guuldarreystay inuu safka hore ka helo kooxda ku ciyaarta garoonka Camp Nou, the Gunners ayaana rabta inay keensato laacibkan si ay bedel uga dhigto Mesut Ozil.

Xiddiga xulka qaranka Jarmalka ee Mesut Ozil ayaa u muuqda mid xagaagan isaga tagi karta kooxda Arsenal sida wararku ay sheegayaan.

mesut-ozil-arsenal-2017_17inkv0hos26n1fncaicyuy142

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close