Koobka kooxaha heerka afraad ee waqooyiga Gaalkacyo oo la soo gaba gabeeyay

(Gaalkacyo) 22 Abriil 2016.Koobka kubadda cagta ee kooxaha heerka 4-aad ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa shalay galab lagu soo gabagabeeyay Garoonka Kubadda Cagta Himilo Stadium.

Koobkan oo ay ka qayb galeen 16 Kooxod oo heerka 4-aad ah ayaa mudo laba asbuuc ah wuxuu si xiiso leh uga socday Garoonka uu yaalo Cawska Macmalka ee Himilo,waxaana qaban qaabada iyo taabagalinta tartankan gacan weyn ka geystay Maamulka Xarunta Dhalinyarada iyo Sportiga ee Himilo.

Ciyaartii kama dambaysta ahayd waxaa iskugu soo haray Kooxaha Ebow Playstation iyo Kooxda Seven Star waxaana ay ahayd Ciyaar aad u adag oo laba Kooxood ay isku jilba murxeen,waxaana ugu danbayn ay Guushu 5-3 ay ku raacday Kooxda Ebow Playstation oo noqotay Horyaalka Kooxaha heeka 4-aad halkaasna lagu gudoonsiiyay Koobkii aadka u quruxda badnaa.

Markii ay soo idlaatay Ciyaartii kama danbaysta ahayd ayaa waxaa halkaas lagu bixiyay Abaalmarino la siiyay Shaqsiyaadkii ugu didaalka badnaa intuu Tartanka socday,waxaana abaamarinta Gooldhalinta ku guulaystay Maxamed Faarax oo dhaliyay mudadii uu Tartanku socday 17 Gool oo ka tirsan Kooxd Seven Star,Ciyaar wanaaga waxaa ku guulaysatay Kooxda cadalyey,Garsooraha tartanka ugu fiican waxaa ku guulaystay Cabdulaahi Farancesco,Macalinkii ugu wanaagsanaa waxaa loo doortay Cabdirashiid Axmed Cali oo ah Macalinka Kooxda Ebow Playstation.

Munaasabad Kooban oo ka dhacday Garoonka Himilo ayaa waxa hadalo ka jeediyay Masuuliyiintii ka soo qayb gashay xiritaanka Tartanka, waxaana ugu horayn halkaas ka hadlay Maamulaha Xarunta Himilo Mursal Cabdulaahi Diiriye oo sheegay in Tartanku uu si wanaagsan kusoo dhamaaday wuxuu u mahdceliyay dhamaan Kooxihii ka soo qayb qaatay Tartanka ,,sida wanaagsan ee ay u ciyaareen wuxuuna balan qaaday inay maamuus u sameyn doonaan dhamaan Kooxaha Tartanka ka qayb-qaatay.

Ugu danbayn waxaa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Isboortiga Gobalka Mudug dhanka Puntland Maxamed Muuse Salwe oo Hambalyo u diray labada Kooxood ee ciyaarta kama danbaysta ah wada Ciyaaray,wuxuuna intaas ku daray inay dhiirigalin doonaan Kooxaha iyo Dhalinyaradii Tartanka ka qayb gashay, isagoo balan qaaday inay Tartamo sports noocaas ah u qaban doonaan Ciyaartoyda da,yarta Gaalkacyo.

Tartankan ayaa mudadii uu socday waxaa u soo daawasho tagi jiray Boqolaal qof oo kala taageerayay Kooxaha ka qayb-galaya,waxaana lagu xasuusan doonaa inuu ka mid  ahaa Tartamadii ugu xiisaha badnaa ee Magaalada Gaalkacyo lagu qabto.

1

2

4

5

7

8

9

10

11

12

13

14

2

4

5

7

8

15

66

W/D/Burhaan Cabdulaahi Xaashi-Gaalkacyo

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close