KARTUUNKA MAANTA: Macallin Jose Mourinho oo ka wal-walsan maqnaasha Ibrahimovic

 Manchester-Uniteds-Zlatan-Ibrahimovic-receives-medical-attention-after-sustaining-an-injury

(Manchester) 22 Abriil 2017 – Kooxda Manchester United ayaa inkastoo ay gaartay afar dhammaadka Europa League, haddana waxa ay kulankii Anderlecht ku waysay xiddigaheeda muhiimka ah ee Zlatan Ibrahimovic iyo Marcos Rojo.

Manchester United ayaa kulamo waa wayn ku soo wajahan yihiin oo ciyaari doonta kulamadaas oo kala caddeyn doona haddii ay Man United u soo bixi doonta Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Macallin Jose Mourinho ayaana ka wal-walsan in kulamo adag ay ku soo foolleeyihiin haddana uusan haysan adeegga weeraryahankiisa Zlatan Ibrahimovic, kaasoo dhaawac jilibka ah kaga maqnaan kara inta ka harsan xilli ciyaareedka.

Kooxda Man United ayaa berri oo Axad ah booqan doonta naadiga Burnley iyada oo ay ka maqan yihiin Zlatan Ibrahimovic, Marcos Rojo, Chris Smalling, Phil Jones iyo Juan Mata.

Haddaba sida uu uga walaacsan yahay macallin Mourinho maqnaanshaha Zlatan Ibrahimovic waxaa kartuunkan hoose ka sameeyey Omar Momani:-

cartoon-ibrahimovics-injury_ap4hcr5jdwin11s9kighry4q8

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close