Horudhaca kulanka Serie A kooxaha Fiorentina vs Inter Milan

Fiorentina-vs-Inter-Milan-Serie-A-Match-Preview

(Florence) 22 Abriil 2017.  Inter Milan oo booqan  doonta Fiorentina waxa ay isha ku haysaa kaalinta afaraad ee kala sarreynta horyaalka Serie A.

Inter Milan oo barbaro 2-2 la soo gashay kooxda ay isku magaalada ka dhisan yihiin ee AC Milan ayaa u safraysa maanta naadiga Fiorentina.

Nerrazurri haddii ay badiso caawa waxa ay kaalinta lixaad ka tuuri doontaa AC Milan.

Maxaa ka cusub labada kooxood?

– Inter Milan waxaa kulankan shaki laga galinayaa inay u ciyaaraan xiddigaheeda Miranda, Geoffrey Kondogbia iyo Cristian Ansaldi.

– Fiorentina  halka ciyaaryahan ee kulankan ka maqnaanaya waa Nikola Kalinic kaasoo ganaax kaarka cas ah ku seegaya kulankan.

RAAD RAAC

>- Kooxaha Inter iyo Fiorentina ayaan barbaro galin sagaalkii kulan ee ugu dambeyey oo ay ciyaareen horyaalka Serie A, 5 kulan waxaa badisay Viola, halka 4 kulan ay adkaatay Nerazzurri.

>- Kooxda Viola ayaa 199 gool oo Serie A ah ka dhalisay Inter Milan, haddii ay caawa ka dhalisana waxa uu noqon doonaa kooxdii 200 oo ay ka dhaliyaan, waana kooxda ay ugu jecel yihiin inay goolal ka dhaliyaan tartankan.

>- Inter Milan ayaa laga dhaliyey ugu yaraan 2 gool afartoodii kulan ee ugu dambeeyey Serie A.

>- Fiorentina ayaa dhaliyey ugu yaraan 2 gool saddexdii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciyaareen Inter Milan tartammada oo dhan.

SAFAFKA LA FILI KARO

Capture

Gegida:  Stadio Artemio Franchi (Florence).

Saacadda Geeska Africa: 9:45 habeenimo

Dhex dhexaadiyaha: Paolo Valeri (Italy)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close