XOG: War farxad leh oo usoo yeeraya maamulka AC Milan (Maxaa dhacay?)

(Beijing) 21 Abriil 2017 – Kaddib dhibaatooyin badan oo uu soo maray Yonghong Li kaddib markii uu heli waayay raasumaalkii uu ku iibsan lahaa AC Milan taasoo ay ugu wacnayd dowladda Shiinaha oo xayiraad saartay in raasumaal fara badan laga saaro dalkaasi kaddib markii ay qiime dhac ku samaysay Yuan-ka dalkaasi, waloow uu ugu dambayntii dhamaystiray iibka Milan isagoo amaah ka qaatay sharikad Maraykan ah, taasoo laga doonayo inuu ku bixiyo muddo 18 bilood ah.

WAR FARXAD LEH – Mr Li ayaa haatan China ka helaya khabar uu ku doogsado iyadoo Tuttosport uu qorayo in wakaaladda Shiinaha ugu qaybsan maareeynta sarrifka qalaad ee State Administration of Foreign Exchange, oo ah hay’ad la shaqeeysa Bankiga Dhexe ee Shiinaha ay sheegtay in ay aad u yar tahay qiime ridista Yuan-ka ee lagu wadey in la sameeyo 3-da bilood ee soo aaddan, taasoo ka dhigan in la fududayn doono raasumaalka lacagaha adag ee dibedda loo saarayo, waxayna fursad siinaysaa Yonghong Li oo markaa baxsan kara lacagta uu iskaga bixinayo qaamaha uu qaatay iyo midda uu doonayo inuu maalgelinta cusub ku sameeyo.

XUBNO CUSUB – Waxaa intaa dheer in todobaadyada soo aaddan uu iman karo war kale oo muhim u ah aayaha AC Milan kaasoo ku saabsan helista maalgashadayaal hor leh oo Mr Li – oo hadda ku sugan Shiinaha – jaal kula noqda kooxda Rossoneri oo uu la wareegay 13-kii bishan, kuwaasoo u diyaar ah inay malaayiin geliyaan kooxda si figta sare loogu soo celiyo kooxda saldhigata via Aldo Rossi oo ay taageerayaasheedu markale riyoon karaan.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close