Waa kuma ciyaaryahanka Bayern Munich ee ay Ronaldo iyo Ramos ku qal qaaliyeen in uu yimaado Real?

TOPSHOT - Bayern Munich's Polish forward

(Madrid) 21 Abriil 2017. Cristiano Ronaldo iyo Sergio Ramos waxa ay ka codsadeen Robert Lewandowski in uu ku soo biro Real Madrid.

AS waxa ay sheegeysaa in labada xiddig ee saameynta kula Madrid in ay weeraryahanka weydiiyeen arinkaas markii uu soo dhamaaday kulankii Santiago Bernabeu ee Bayern looga badiyey 4-2.

Wararka waxa ay intaa ku darayaan in Ronaldo iyo Ramos ay 28-ka duullaanka ka dheela u sheegeen in fursad u banana tahay halka uu wada xaajood kooban la qaatay madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez.

Lewandowski wuu la socdaa xiisaha ay Real u qabto isha ayuuna ku hayaa in uu ka dheelo Santiago Bernabeu.

Bishii Disember qandaraas ayuu u saxiixay Bayern taas oo ka dhigtay xiddiga ugu mushaarka qaalisan Bundesliga waxa uuna ololihii qaataa £12.5.

Weeraryahanka wuu seegay kulankii Allianz Arena balse 88 daqiiqo ayuu ka dheelay kii 4-1 looga badiyey Bernabeu.

Lewandowski, waxa uu ka mid ahaa xiddigaha Bayern ee u tagay garsoore Victor Kassai kulanka kaddib xilli uu muran dhinaca dhex dhexaadinta ah hareeyey ciyaartaaas.

Laba gool oo ka mida goolashii Ronaldo waxa ay ahaateen garab dhaaf halka kaarkii casaa ee loo taagay Arturo Vidal markii kubadda ka taabtay Marco Asensio uu ahaa qalad.

“Kulankaas waxaan qabaa in aan badin karnay oo aan heerka kale u gudbi karna laakiin garsooraha ayaa qaladaad badan sameeyey,’” ayuu kulanka kaddib yiri Lewandowski.

“Waxaan qabaa in aysan suurtagal ahayn 10 nin in Madrid lagula ciyaaro.

“Kaar cas ma ahayn, goolashooduna garab dhaaf ayuu ahaa mid ka mida, malaha laba, xittaa aniga xaaladeyda, markii aan fool ka fool helay, ma ahayn garab dhaaf.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close