RASMI: Juventus oo la saxiixatay Rodrigo Bentancur

(Torino) 21 Abriil 2017 – Juventus ayaa xaqiijisay saxiixa laacibka khadka dhexe ee Rodrigo Bentancur oo ay kasoo qaateen Boca Juniors isagoo saxiixay qandaraas 5 sanadood ah.

Bentancur ayaa ku baasay tijaabadii caafimaad ee laga qaaday bilowgii bishan Abriil, waxayna haatan naadiga Juve qaateen fursaddii ay xaqa ugu lahaayeen inay soo qaataan laacibkan reer Uruguay ee xulka Under-20 waloow uu saxiixu yimid maalin uun kaddib 20-ka Abriil oo ay ku ekeyd inay laacibka iibsan karaan isagoo qayb ka ahaa heshiiskii uu Tevez ku tegey Boca.

“Juventus waxay qandaraas 5 sanadood ah la gashay laacibka, kaasoo dhaqan geli doona wixii ka bilaabma 1-da Luulyo, 2017 ilaa Juun 3o, 2022.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Juve.

Yeelkeede, kooxda Boca ayaa 50% yeelan doonta lacagta laga helo laacibkan haddii ay lacalla dhacdo inay Juve sii iibiso mustaqbalka.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close