Horyaalka Talyaaniga oo sanadka soo aaddan loo isticmaali doono hannaanka VAR (Waa maxay?)

(Roma) 21 Abriil 2017 – Jamciyadda garsoorayaasha Talyaaniga ayaa sheegay inaan VAR loo adeegsan doonin final-ka Coppa Italia, balse waxay xaqiijiyeen in tiknolojiyaddaas Serie A loo adeegsan doono fasalka soo aaddan ee 2017-18.

Kooxaha Juventus iyo Lazio ayaa labaduba isku raacay in final-ka Coppa loo adeegsado hannaanka fiidiyoowa ku celiska ah ee Video Assistant Referees, balse waxaa ogolaansho looga baahan yahay FIFA iyo Jamaciyadda caalamiga ah ee International Football Association Board.

Yeelkeede, maanta ayuu madaxwaynaha Jamciyadda Garsoorayaasha Talyaaniga ee Associazione Italiana Arbitri [AIA] wuxuu xaqiijiyay inaan aaladdan loo adeegsan doonin, balse waxaa loo adeegsan doonaa horyaalka Talyaaniga wixii ka bilaabna kal-ciyaareedka soo aaddan sida uu ku dhawaaqay Marcello Nicchi.

Hannaankan ayaa wax badan ka tari doona waxyaabo ay ugu horreeyaan khaladaadka ka dhasha kubadaha dhinac baxa ama hobseedka oo ay inta badan doodo ka dhashaan, maaddaama uu garsoorka siinayo xagasha saxda ah, waxaana horay u guulaystey hannaanka Goal-Line Technology.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close