DEG DEG: Qori tuurkii afar dhamaadka Champions League-ga oo dhacay

GGGG

(Nyon) 21 Abriil 2016. Waxaa goor dhaweyd lagu soo gaba gabeeyey magaalada Nyon ee dalka Switzerland qori tuurkii afar dhamaadka Champions League-ga.

Waxaa isa sugayey kooxaha Real Madrid, Atletico Madrid,Juventus iyo Monoco.

Real Madrid waxa ay ku aaday deriskeeda Atletico Madrid waxaana lugta hore lagu dheeli doonaa Santiago Bernabeu.

Juventus iyaduna waxa ay qoorta la gashay AS Monoco oo ay ciyaarta hore France kula soo dheeli doonto.

Real Madrid iyo Atletico Madrid waxa ay lugta hore wada dheeli doonaan 2 May halka Monoco ay soo dhaweyn doonto Juventus 3-da May.

Labada lugood ee kala waxa ay kala dhici doonaan 9-ka May oo ah Juventus Vs. Monoco iyo Atletico Madrid Vs Real Madrid 10-ka May.

Fiinaalaha waxaa lagu ciyaari doona Gegida Cardiff 3-da June.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close