Chelsea oo qaatiyaan ka taagan Diego Costa maadaama uu dalbanayo….

GettyImages.6548317841

(London), 21 Abriil  2017  –Kooxda kubadda cagta Chelsea ee waddanka Ingiriiska ayaa qaatiyaan ka taagan weeraryahankeeda Spanish-ka ah ee Diego Costa kaas oo dalbanaya in mushaarkiisa sare loo qaado haddii kale uu naadiga ka tegayo.

Saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaysa in Costa oo 28 sano jir ah uu haatan qaato 150,000 Giniga Istarliinka ah, waxaana uu codsanayaa lacag intaa ka badan maadaama looga gacan haatinayo kooxaha Horyaalka Shiinaha.

Sky Sports ayaa isna soo warineysa in kooxda Tianjin ee Shiinaha ka dhisan ay Costa doon doonayso, iyadoo damacsan in ay ka dhigto laacibkani laacibka ugu mushaarka badan kubadda cagta caalamka, toddobaadkiina siin doonto 650,000 Giniga Istarliinka ah.

Diego Costa ayaa qandaraaskiisa garoonka Stamford Bridge waxa uu ku eg yahay xagaaga 2019.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close