Milan oo markale maanka ku haysa Mateo Musacchio

(Milano) 20 Abriil 2017 – Gaashaanka Villarreal ee Mateo Musacchio ayaa sida lasoo werinayo doonaya inuu ku biiro kooxda AC Milan, taasoo uu ku iman karo ugu yaraan €15m.

Kooxda Rossoneri ayaa xagaagii tegey gorgorisay soo xera gelinta Argentine-kan, balse dib u dhacyadii ku yimi iibka AC Milan ayaa gaagixiyay heshiis la gaaro.

Haatan oo ay AC Milan iibsatey dallad uu hoggaaminayo Yonghong Li, wuxuu Gazzetta dello Sport sheegayaa inay Milan dib ugu noqonayso Musacchio.

Laacibkan dambeedka dhexe ah ayaa aad u danaynaya inuu ka ciyaaro San Siro, iyadoo maaddaama uu qandaraaskiisu dhacayo 2018 haatan lagu heli karo lacag ka yar €30m oo uu naadigiisa Spanish-ka ihi dalbanayay xagaagii, iyadoo uu wargaysku sheegayo in lagu heli karo inta u dhaxaysa €15m ilaa €18m, isagoo noqon kara saxiixa 1-aad ee Milan-ta cusub.

b

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close