Kooxda ugu fiican Premier League ee xilli ciyaareedkan oo la soo saaray…(Ibrahimovic iyo Sanchez oo boos loo waayay)

koox

(England) 20 Abriil 2017. Waxaa la soo saaray kooxda sanadka ee Premier League waxaana xiddigaha ugu badan ku leh hogaamiyayaasha Horyaalka ee Chelsea iyo ku xigeenkooda Tottenham.

Shaxdan ay doorteen ama ay u codeeyeen ururka xirfadlayaasha ciyaartoyda ee Ingiriiska ayaa waxaa ka mid ah Eden Hazard, N’Golo Kante, Harry Kane, Danny Rose, Gary Cahill, David Luiz, Kyle Walker, Dele Alli, David de Gea,  Sadio Mane iyo hogaamiyaha gool dhalinta Premier League ee Romelu Lukaku.

Ibrahimovic iyo Alexis Sanchez oo wacdaro muuqata dhigaya ayaa shaxdan laga cunay.

Xaflada lagu bixinayo abaal marinada kooxda ugu fiican Premier League ee waa waynka iyo yar yarka, laacibka ugu fiican iyo wixii la mid ah ayaa la qaban doonaa maalinka axada ah.

Eeg Shaxda kooxda ugu fiican Premier League kal ciyaareedkan:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close