Wafdigii Guddoomiyaha xiriirka kubadda Cagta ee Qaaradda Afrika oo Muqdisho ka dhoofay lana hadlay saxaafada ka hor bixitaankiisa+SAWIRRO

IMG_1131

(Muqdisho) 17 Abriil 2017.Waxaa saaka magaalada Muqdisho ka amba baxay wafdigii Wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Xiriirka kubadda Cagta ee Qaaradda Afrika Axmed Axmed, kaasi oo shalay soo gaaray Muqdisho, waxaana uu kulamo kala duwan la qaatay Madaxda dowadda ugu sareysa.

Mudane Axmed Axmed ayaa inta uusan ka amba bixin magaalada Muqdisho waxaa uu shir jaraa,id ku qabtay Hotelka uu ka degnaa magaalada isaga oo dhowr su,aalood la waydiiyay waxaana uu aad ugu nuux nuuxsaday in uu aad ugu faraxsanyahay booqashada uu Muqdisho ku yimid iyo kulamada uu la qaatay madaxda dalka isaga oo cadeeyay in uu gudbin doono fariiin ka duwan tii uu markii hore haystay.

“Xaqiiqdii waxaa ay ahayd booqasho taariikhi ah mana iloobi doono,waxaan tagnay aniga iyo wafdigayga garoomada magaalada shalay waxaana kulamo la qaatay madaxwaynaha,Ra,iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka waxaana ii cadaatay in Xiriirka Soomaaliyeed ee haysto garabka ugu wayn waana wax lagu farxo in dowlada iyo shacab ay kawada simanyihiin horumarka kubadda cagta,waxaa gudbinayaa fariin cade oo aad u qiimo badan waxaana jeclaan lahaa in Soomaaliya ay hada kadib ay awoodi doonaan in ciyaaro saaxibtinimo oo tijaabo ah wada yeelan doonaan wadamada deriska ah kadibna si toos ah ay cayaaraheeda heerka caalami gudaha ku qabsan doonaan” Madaxweynaha Xiriirka kubadda Cagta ee Qaaradda Afrika Axmed Axmed.

“Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee Qaaradda Afrika, runtii 16-ka bishii hore ayaa la doortay, waxaana uu balan qaaday in safarkiisa ugu horeeya uu ku imaanayo Muqdisho, runtiina waa uu ka dhabeeyay, haddana waxaan ka sagootinayeynaa garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Dhallinyarada iyo Cayaaraha.

Sikastaba Madaxweynaha kubbadda cagta Qaaradda Afrika ayaa kormeeray garoomada kubada cagta sida, garoonka kubadda cagta ee Jaamacadaha, Kan Muqdisho oo fariisin u ah ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo Benaadir.

Tani waxa ay noqoneysaa booqasho taariikhi ah, waxanna ay u gogol xaareysaa booqashadda madaxweynaha FIFA oo isna lagu waddo inuu yimaado Soomaaliya bilaha soo socdo.

Wafdiga Madaxweynaha kubbadda cagta Qaaradda Afrika ayaa waxaa la guddoonsiiyay hadiyado ay ugu tala galeen xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya waxaana guddoonsiiyay madaxda ugu saraysa xiriirka.

Axmed Axmed oo u dhashay Madagascar ayaa la doortay 16-kii bishii hore, waxanna uu helay codad gaaraayo 34 halka Ciisa Xayaatu oo la tartamayay uu helay isna codad dhan 20.

W/D:Abdullahi Baliil

DAAWO SAWIRRADA

IMG_1097 IMG_1099IMG_1099  IMG_1099 IMG_1101 IMG_1102 IMG_1103 IMG_1105 IMG_1110IMG_1114 IMG_1117 IMG_1122 IMG_1124 IMG_1125 IMG_1127 IMG_1128 IMG_1130 IMG_1131 IMG_1132 IMG_1134 IMG_1137 IMG_1094 IMG_1096

 

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close