Sergio Ramos, Kroos iyo Modric oo qarka u saaran ganaax

Sergio Ramos - Luka Modric - Toni Kroos (Real Madrid CF)

(Madrid) 18 Abriil 2017.  Sergio Ramos, Luka Modric iyo Toni Kroos ayaa halis ugu jira inay seegaan semi final ka Champions League waa haddii ay caawa ka adkaadaan kooxda Bayern Munich oo marti ugu ah mininkooda Bernabeu.

Saddexdan xiddig ee muhiimka u ah shaxda Zidane ayaa min hal jaale u jira inay ganaax ku seegaan afar dhammaadka tartankan.

Haddii ay caawa ku guuleystaan inay 90-ka daqiiqo isla ilaaliyaan jaale, waxay ciyaari doonaan semi final ka iyagoo nadiif ah oo waa la tir tiri doonaa kaararka jaalaha ay iminka qabaan.

ser

Sharcigan ayaa la keenay 2014, kaddib markii uu Xavi Alonso jaalooyin ku seegay final kii ka dhacay Lisbon kaddib jaalayaal u aruuray wareegyadii ka horeeyay semi-final ka.

Dhanka Bayern Munich ayaa waxaa iyana halis ugu jira inay seegaan semi final ka Champions League Arturo Vidal iyo Jerome Boateng waa haddii ay caawa ka soo gudbaan Real Madrid oo 2-1 uga soo adkaatay kulankii lagu soo ciyaaray Jarmalka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close