TOTTI-GA CUSUB: Wiilka Totti oo durba ku guulaystey gool dhalinta….

(Roma) 17 Abriil 2017 – Muluqa yar ee uu dhalay Francesco Totti ee Christian oo 11-jir uun ah ayaa noqday gool dhaliyaha Roma ee tartanka da’yarta kooxdaasi.

Er Pupone ayaa waayihiisa ciyaareed oo idil ku dhamaystay kooxda Giallorossi, isagoo haatan ku dhow inuu safto 800 oo kulan, sidaa daraadeed la yaab malaha inuu wiilkiisuna qaado isla jidkiisii.

Kooxda Lupi ayaa lagu soo reebay rubuc-dhamaadka Torneo Memorial Mariotti, kaasoo ay qaadday AC Milan oo final-ka ku garaacday Inter Milan.

Yeelkeede, Totti Jr ayaa ku guulaystey gool dhalinta tartankaasi, isagoo dhaliyay 8 gool jeer ay sheedda ka daawanayeen aabihii iyo hooyadii.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close