SAWIRRO XUL AH: Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta qaaradda Afrika oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Muqdisho

IMG_2145

(Muqdisho) 17 Abriil 2017.  Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta qaaradda Afrika Axmed Axmed   ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo ay si weyn u soo dhaweyn masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan doowlada iyo xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Hoggaamiyaha u dhashay dalka Madagascar ayaa casuumaad ka helay madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya mudane C/qani Saciid Carab,kaasoo ah shaqsi ay ka go’an tahay hor marinta Isboortiga.

Markii uu kasoo degtay garoonka aadan Cadde waxa uu booqasho ku tagay garoomada Jaamacadaha, Muqdisho iyo Koonis inkastoo tuulada Sportiga aysan wali ku jirin gacanta xiriirka.

Markii ay tageen  garoonka Banaadir aye si wada jir ah saxaafadda ula hadlaan waxaana hadalka billabay C/qani Saciid Carab oo ah guddoomiyaha xiriirka soomaliyeed ee kubadda cagta waxa uuna sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in maanta ay soo dhaweeyaan madaxweyne Axmed.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga: Khadiijo Maxamed Diiriye oo qeyb ka aheyd wafdigii soo dhaweeyay Axmed  ayaa Iyana sheegtay in  ay ka rajeyneyso madaxweynaha xiriirka kubadda cagta qaaradda Afrika in uu ka shaqeeyo sidii Soomaaliya ay u tagi laheyd heerkii ay ka joogtay kubadda cagta.

Ugu dambeyn Axmed oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada uu ku yimid soomaaliya, waxa uuna carabka ku dhuftay in waqtiga ugu badan uu ku bixin doono sidii ay u soo laaban la heyd awooddii Soomaaliya ee dhanka kubadda cagta.

IMG_2099

IMG_2101

IMG_2105

IMG_2108

IMG_2111

IMG_2115

IMG_2119

IMG_2124

IMG_2128

IMG_2129

IMG_2134

IMG_2138

IMG_2145

IMG_2148

IMG_2161

IMG_2169

IMG_2178

IMG_2180

IMG_2182

IMG_2198

IMG_2208

IMG_2213

IMG_2218

IMG_2221

IMG_2223

IMG_2233

IMG_2236

IMG_2238

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close