Paulo Dybala oo u diyaar ah kulanka Barcelona isagoo ka hadlay mustaqbalkiisa

(Torino) 17 Abriil 2017 – Qannaaska Juventus ee Paulo Dybala ayaa hoosta ka xarriiqay “inuu diyaar yahay boqolkiiba boqol” kulanka Barcelona ee fiidnimada Arbaca.

Laacibkan ayaa dhaawac kaga baxay kulankii ay 2-0 ugasoo adkaadeen kooxda Pescara Sabtigii, iyadoo cabsi laga qabey inuu seegi karo kulanka lugta 2-aad ee rubuc-dhamaadka Champions League.

“Nasiib wanaag kooxda ayaan la tababaranayay, waxaana 100% safan doonaa kulanka Barcelona,” ayuu Dybala u sheegay TyC Sports.

Dybala ayaa dhanka kale dhowaan wuxuu qandaraaska u kordhiyay kooxdiisa Bianconeri iyadoo la gaarsiiyay ilaa 2022, isagoo sheegay inuusan marna shaki ka qabin sii joogistiisa Torino.

“Cusboonaysiintu waa dookhayga, ma jiraan wax ay Juventus ku coowrido Real Madrid, Bayern Munich ama Barcelona. Waan la hadlay iyaga waana u sheegay inaan aad ugu faraxsanahay Juventus.” ayuu raaciyay La Joya.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close