KACAANKA CUSUB: AC Milan oo heshiis afka ah la gaartey Cesc Fabregas (Xog)

(Milano) 17 Abriil 2017 – AC Milan ayaa sida lasoo werinayo heshiis afka ah la gaartey laacibka kubad qaabeeyaha khadka dhexe ee Chelsea jaalle Cesc Fabregas isla xagaagan.

Sida ku dhigan Daily Star iyo CalcioMercato.com, milkiilayaasha cusub ee Milan ee Chinese-ka ah ayaa Fabregas sida la yiri ku bilaabaya kacaanka dib u dhiska kooxdan San Siro.

Yeelkeede, waloow ay wararku sheegayaan inuu laacibku ogolaaday imaanshiyaha Rossoneri misna weli la iskuma raacin tibxaha heshiiska shakhsiga ah.

Kooxda Blues ayaa la sheegayaa inay laacibkan ku fasaxi doonto adduunyo dhan €25m iyadoo uu laacibkan reer Spain ee caalamiga ii uu dalbanayo mushahar dhan €4.5m oo euro oo lagu daray bareemiyo.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close