HORDHAC: Middlesbrough Vs. Arsenal

Middlesbrough-vs-Arsenal-EPL-Match-Preview

(London) 17 Abriil 2017. Arsenal waxa ay booqan doontaa Boro kulan ka tirsan Premier League-ga.

Wiilasha Wenger aad ayuu cadaadiska ugu sii kordhayaa iyada oo ay u muuqato in ay soo dhaweyn doonaan olole bilaa Champions League ah.

Hase ahaatee, waxaa waajib ku ah in ay badiyaan kulankan maadama ay xisaabiyan heli karaan mid ka mida kaalmaha loogu soo aado Champions League-ga.

Maxaa ka cusub Arsenal?

-Arsene Wenger waxa uu xaqiijiey In Petr Cech iyo Laurent Koscielny ay tam buuxa yihiin

-Alexis Sanchez waxa uu doorbidayaa ka ciyaaridda garabka iyada oo uu weerarka dhexda ah uu buuxinayo Giroud maadama Danny Welbeck mushaakil kala kulmay halkaas

-David Ospina,Lucas Perez iyo Santi Cazorla wali waa dhaawacan yihiin

RAADRAAC

– Middlesbrough ma badin 14kii kulan ee ugu dambeeyey Premier League-ga

-Arsenal wey guuldarreysatay afartii kulan ee ugu dambeeyey Premier League-ga ee ay dibada ku soo ciyaartay

-Arsenal shabaqa wey ilaashatay saddexdii kulan ee ugu dambeeyey ee ay dhamaan tartamada la ciyaartay Middlesbrough

-Arsenal shanti kulan ee ugu dambeeysay dhamaan tartamada guuldarro kalama kulmin Middlesbrough

SAFAFKA LA FILI KARO

Capture

Gegida: Riverside

Saacadda Geeska Africa: 10Pm

Dhexx dhexaadiyaha: Anthony Taylor

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close