Gareth Bale oo seegaya kulanka habeen dambe ee Bayern Munich

bale

(Madrid) 17 Abriil 2017. Gareth Bale ayaa shaki la’aan seegi doona kulanka habeen dambe ay la yeelan doonaan Bayern Munich lugta labaad ee sideed dhammaadka Champions League sida ay warineyso majalada Marca.

Xiddiga reer Wales ayaa dhaawac ka soo gaaray lugtii hore ay Madrid ku soo adkaatay 2-1 taa oo ka dhacday dalka Jarmalka.

Kooxda koowaad ee cad cadka ayaa saakay tababarka ku sameeyay Valdebebas, laakiin Bale qeyb kama ahayn.

Image result for Bale vs Bayern Munich

Ma ahan Bale oo kaliya sidoo kale kulanka habeen dambe waxaa iyana maqnaan doona daafacyada birta ah ee Pepe iyo Raphael Varane.

Isco oo wacdaro wayn dhigay kulankii ugu dambeeyay ee Real Madrid ayay u badan tahay inuu dhexli doono booska uu Bale ka maqan yahay kulanka Bayern Munich.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close